Wealth is what you donโt see. ๐ฐ
Hantida dhabta ah mar walba ma muuqato. Qof ayaa laga yaabaa inuu leeyahay waxyaabo qaali ah, halka qof kale uu leeyahay assets, investments iyo dakhli mustaqbal dhisaya.
๐ก Ha eegin waxa qofku haysto oo keliya; eeg waxa uu leeyahay iyo waxa uu dhisayo.
Abdikarin Ahmed Abdi
Lecturer | Ex-Bank Manager | Finance Expert | Researcher | Trainer | Promoting Financial Literacy
21/05/2026
Podcast-gaan oo kamid ah wareysiyada ganacsi ee ugu saameynta badan caalamka ayaa dhexmaray Nicolai Tangen, Maamulaha Guud ee Sanduuqa Maalgashiga Qaranka Norway, iyo Aliko Dangote, ganacsadaha ugu taajirsan Afrika ahna aas-aasaha Dangote Group oo leh warshadaha ugu waaweyn qaaradda Afrika.
Wareysigan, Dangote wuxuu kaga hadlay safarkiisii ganacsi ee uu ku bilaabay dhowr gaari oo shamiito/sibidh ah sanadkii 1978 gudaha Nigeria ilaa uu maanta ka noqday milkiilaha single-train-ga ugu weyn dunida ee ku yaalla Lekki, Nigeria, oo ku kacay lacag dhan $20 bilyan dollar. Wuxuu si cad u sharaxay caqabadihii uu soo maray sida helitaanka dhulka, maalgelin culus, iyo cadaadis ka imaanayay nidaamka shidaalka iyo kooxo dhibaato kuhaye hergelinta mashruucaas. Wuxuu sheegay in bilowgii mashruuca refinery-ga ay aad u adkayd, balse uu u arkay sida qof bad kudhexjira oo aan dib u laaban karin, sidaas darteed uu h**e u sii socday ilaa uu mashruucu noqday mid guuleystay.
Dangote wuxuu si gaar ah u ammaanay Shiinaha, isagoo sheegay in China uu si weyn uga caawiyo Afrika dhanka horumarinta, gaar ahaan mashaariicda waaweyn. Wuxuu tusaale u soo qaatay in shirkadaha Shiinaha ay ogolyihiin in lasiiyo ama labixiyo 20% lacagta guud ee mashruuca, halka 80% kale la sugo ama lagu bixiyo maalgelin iyo credit muddo 4โ5 sano ah. Wuxuu sheegay in tani ay si weyn u fududeyso horumarka, marka la barbar dhigo waddamo kale sida Talyaaniga oo inta badan lacagta oo dhan kaa doonaya marka mashruuc la bilaabayo. Taas ayuu ku sheegay in Shiinuhu yahay lammaane ganacsi oo aad u wax ku ool ah oo si dhab ah uga qayb qaata horumarinta Afrika.
Dangote wuxuu sidoo kale sheegay in saliidda cayriin uu ka keeno dalal ay ka mid yihiin Nigeria (56%), Angola, Libya iyo Maraykanka, isagoo xusay in mustaqbalka uu qorsheynayo ballaarin weyn oo gaari doonta maalgashi dhan $45 bilyan oo lagu dhisayo warshado sifeyn iyo petrochemical ah oo laga sameynayo dalal ay ka mid yihiin Kenya, Tanzania, Uganda ilaa Itoobiya.
Intaas waxaa dheer, Dangote wuxuu si qoto dheer uga hadlay mustaqbalka Afrika, isagoo sheegay in qaaraddu leedahay dhalinyaro badan, kheyraad dabiici ah, suuq weyn, iyo dhul beereed aad u ballaaran. Wuxuu aaminsan yahay in Afrika ay hormari karto haddii ay xoogga saarto warshadaynta gudaha, waxbarasho tayo leh, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo in lahelo maalgashi ay hormuud u yihiin Afrikaanta laftoodu, halkii si buuxda loogu tiirsanaan lahaa dibadda.
Intaas waxaa dheer, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda โbackward integrationโ in Afrika ay soo saarto waxa ay isticmaasho halkii ay soo dejin lahayd, isagoo tusaale u soo qaatay sibidh/shamiito, sonkor, bacriminta iyo shidaalka. Tan ayuu sheegay inay tahay jidka kaliya ee lagu gaari karo isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur ballaaran oo gudaha ah.
Sidoo kale wuxuu sheegay in ganacsigu u baahan yahay edbin adag, aragti fog, iyo in faaโiidada dib loogu celiyo shirkadda si loo kobciyo halkii si degdeg ah loo qaybin lahaa. Wuxuu xusay in shirkaddiisa ay inta badan dib u maalgeliso faaโiidada, taasoo u suuragelisay inay noqoto mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn Afrika iyo dunida.
Ugu dambeyn, Dangote wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dhaxalka uu rabo uu yahay in Afrika ay noqoto qaarad warshadaysan oo is-ku filan. Wuxuu dhalinyarada Afrika ku dhiirrigeliyay inay riyooyin waaweyn yeeshaan, dalkooda joogaan, oo ay noqdaan jiilka dhisa mustaqbalka qaaradda.
๐ช๐ผ๐ฟ๐ธ๐ฝ๐น๐ฎ๐ฐ๐ฒ ๐ ๐ผ๐ฏ๐ฏ๐ถ๐ป๐ด & ๐ฆ๐ฎ๐ฏ๐ผ๐๐ฎ๐ด๐ฒ ๐
Mararka qaar shaqaale ayaa si ula kac ah loo dhibaateeyaa (Go'doomiya, Hoos udhiga, cadaadiya, Xaqira ), iyadoo garab laga helayo maamulka, ama koox mideesan ay shirqoolaan ama cabsi galiyaan koox kale ama qof iyagoo adeegsanaya magaca maamulka ama go'doomiyaan.
โ Shaqadu waa inay noqotaa meel ixtiraam iyo cadaalad leh-not kooxaysi iyo dulmi.
๐ ๐ฎ ๐น๐ฎ ๐ธ๐๐น๐ฎ๐ป๐๐ฎ๐ ๐
๐ฎ๐ฎ๐น๐ฎ๐ฑ ๐ป๐ผ๐ผ๐ฐ๐ฎ๐ป ๐ฎ๐ต? ๐
๐ ๐ฃ๐ฟ๐ผ๐บ๐ฝ๐ ๐๐ฎ๐ป๐ฎ๐ฎ๐ด๐๐ฎ๐ป ๐๐๐
๐๐ ๐ธ๐ฒ๐ฒ๐ป๐ฎ๐ฎ ๐ป๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ท๐ผ ๐๐ ๐ผ๐ผ ๐๐ฎ๐ป๐ฎ๐ฎ๐ด๐๐ฎ๐ป.
Si aan u caawiyo ardayda jaamacadaha, waxaan diyaariyey 50 Claude AI prompts oo loo isticmaali karo:
๐๐๐๐ฎ๐๐
๐ฅ๐ฒ๐๐ฒ๐ฎ๐ฟ๐ฐ๐ต ๐ฝ๐ฎ๐ฝ๐ฒ๐ฟ๐
๐๐
๐ฎ๐บ ๐ฝ๐ฟ๐ฒ๐ฝ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐๐ถ๐ผ๐ป
๐ฆ Kala deg halkan๐
https://drive.google.com/file/d/1_5bycJCBui1iG0911zEUHvNQYurh6j9p/view?usp=sharing
08/03/2026
Maxaa dhacaya haddii hal prompt uu kuu sameeyo sales report analysis dhameystiran?
Isticmaal prompt-kan si aad u hesho charts, comparisons, iyo future expectations.
Ka eeg qaybta hoose โฌ๏ธ
Click here to claim your Sponsored Listing.